About Fursad Shaqo

Creating a world of work without limits

Your gateway for jobs. Search with filters to narrow down the listings.

Our Story

Fursad Shaqo waxaa la aas-aasay dabayaaqadii 2018-ki. Ujeedada ugu wayn ee loo aas aasay Fursad Shaqo ayaa ahayd in la helo shabakad lagu soo bandhigo fursadaha shaqo iyadoo la isticmaalayo luuqada Soomaaliga. Dhamaan shabakadaha kale ee dalka ka jira waxay ku qoranyihiin luqada kale, marka laga reebo Fursad Shaqo.

Fursad Shaqo waxaa bartilmaameed u ah shaqooyin-ka ganacsiyada sida gaarka ah loo leeyahay (private businesses) sida bangiyada, Isbitaalada, xawaaladaha, shirkadaha isgaarsiinta, iyo dhamaan shirkadaha kale duwan ee ka jiro dalka. Sidoo kale, Fursad Shaqo waxay soo bandhigi doontaa Fursadaha shaqo ee ka banaan dowlada Soomaaliya (Government Job Opportunities).

Sidoo kale, Fursad Shaqo waxay idinla wadaagi doontaa Fursdaha Shaqo ee ka banaan hay’adaha caalamiga ah (International NGOs) iyo kuwa UN-ka (United Nations) ee ka howl-gala daafaha Soomaliya.
Waxaa naga daalacan kartaan page website-ka Fursadshaqo.com/fursadshaqo.so, sidoo kale marwalbo ku xernaaw boggaga aan kuu leenahay aaladaha Facebook iyo Twitter.
Waxaan kale oo aan idinla wadaagi doonaa maqaalo la xariiro talooyin shaqo (Career advice), sida loo diyaarso CV qurux badan, iyo sida loo wajaho waraysi shaqo (Job Interview).
La wadaag asxaabtaada shabakada fursad Shaqo, una sheeg inay nagala socdaan bogeena fursadshaqo.com iyo baraha aan ku leenahay Facebook iyo Twitter

Scroll to Top